Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, ka dhageystay Guddoomiyaha, Isaga oo kula dardaarmay in Madaxda la doortay ee Maamulku ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho, xasilloonida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles