Guddoomiyihii hore ee BFS Maxamed Mursal oo laga hor istaagay safar uu ku tagi lahaa Baydhabo

Sida ay sheegayaan wararka waxaa maanta baaqday safar uu magaalada Baydhabo ku tagi lahaa wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xubnaha Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah Maamulka Laftagareen, Sababta ka dambeeysay Baaqashada ayaa ah in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu amar ku bixiyay in diyaaraddii lagu waday iney qaaddo wafdiga aysan qaadi karin cid aan raalli ka ahayn dowlad goboleedka Koofur Galbeed .

Wafdiga ayaa Baydhabo u tagi lahaa in ay xafiisyo ka furtaan, iyagoo halkaasi ka bilaabi lahaa fulinta qorshaha Doorashada Qof iyo Cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mursal ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbiga, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa horey waxaa ay u sheegeen in maamulka uu hoggaamiyo Lafta Gareen uu qaadayo tallaabo lagu caburinayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka oo aan taageersaneyn maamulka hadda jira.

Go’aankan laga hor istaagay ayaa sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa maamulka Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa horey arrintan uga hadlay, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen inuu si ula kac ah u fashiliyey qorshihii Madaxweynaha ee ku saabsanaa hirgelinta nidaamka doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Horey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa MW Lafta Gareen ka dalbaday in Siyaasiyiinta loo ogolaado inay tagaan Baydhabo.

Xiisadda cusub ayaa laga cabsi qabaa inay dhaliso isku dhacyo siyaasadeed oo gudaha maamulka Koonfur Galbeed ah, maadaama mucaaradku ay wadaan abaabul xooggan oo ay ku doonayaan in lagu beddelo Lafta-Gareen, halka dhinaca kalena ay Villa Somalia cadaadis cusub saarayso si loo dedejiyo hirgelinta doorashada qof iyo cod.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles