Guddoomiyihii hore ee BFS Maxamed Mursal oo laga hor istaagay safar uu ku tagi lahaa Baydhabo

Sida ay sheegayaan wararka waxaa maanta baaqday safar uu magaalada Baydhabo ku tagi lahaa wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xubnaha Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah Maamulka Laftagareen, Sababta ka dambeeysay Baaqashada ayaa ah in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu amar ku bixiyay in diyaaraddii lagu waday iney qaaddo wafdiga aysan qaadi karin cid aan raalli ka ahayn dowlad goboleedka Koofur Galbeed .

Wafdiga ayaa Baydhabo u tagi lahaa in ay xafiisyo ka furtaan, iyagoo halkaasi ka bilaabi lahaa fulinta qorshaha Doorashada Qof iyo Cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mursal ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbiga, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa horey waxaa ay u sheegeen in maamulka uu hoggaamiyo Lafta Gareen uu qaadayo tallaabo lagu caburinayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka oo aan taageersaneyn maamulka hadda jira.

Go’aankan laga hor istaagay ayaa sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa maamulka Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa horey arrintan uga hadlay, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen inuu si ula kac ah u fashiliyey qorshihii Madaxweynaha ee ku saabsanaa hirgelinta nidaamka doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Horey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa MW Lafta Gareen ka dalbaday in Siyaasiyiinta loo ogolaado inay tagaan Baydhabo.

Xiisadda cusub ayaa laga cabsi qabaa inay dhaliso isku dhacyo siyaasadeed oo gudaha maamulka Koonfur Galbeed ah, maadaama mucaaradku ay wadaan abaabul xooggan oo ay ku doonayaan in lagu beddelo Lafta-Gareen, halka dhinaca kalena ay Villa Somalia cadaadis cusub saarayso si loo dedejiyo hirgelinta doorashada qof iyo cod.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles