Galmudug oo mamnuucday in dekeda Hobyo laga soo dejiyo gaadiidka Ciidamada

Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inay mamnuuc tahay oo la joojiyay in dekadda Hobyo laga soo dejiyo ama lagu raro gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdibilaha oo ay isticmaalaan ciidamada.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta, 21-ka October 2025, aan la oggolaan doonin in gaadiidkan lagu soo dejiyo dekedda Hobyo, iyadoo amar adag lagu siiyay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku lugta leh soo dejinta gaadiidkaas.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cid kasta oo isku dayda inay jebiso amarkan lagu tiri doono kuwa la shaqeeya argagixisada iyo dambiilayaasha, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday shirkadaha ganacsiga iyo dadka ku shaqeeya arrimaha dekedda inay si buuxda u fuliyaan amarkan cusub, ayna gacan ka geystaan sugidda amniga guud ee Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles