Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah hay’adaha dowladda

R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo ku guda jira kormeer lagu hubinayo shaqada xukuumadda, ayaa maanta kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada Xoolaha, Batroolka, iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa Wasiirada Wasaaradaha iyo Guddoomiyaha Gudigga Shaqaalaha Rayidka ka dhageystay habsami socodka shaqada, xaadirinta shaqaalaha, fursadaha, iyo caqabadaha jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mar kasta loo baahan yahay in la kor joogteeyo shaqada dowladda. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay fursadaha shaqo-abuurka ee hadda socda, iyadoo xooga saaraya in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursado wanaagsan.

Kormeerkaan ayaa ah mid lagu kor joogteynayo shaqada hey’adaha dowladda ee u hayaan shacabka Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo isla xisaabtanka xukuumadda iyo adkeenta shaqada dowladda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles