Thursday, October 30, 2025

MW Deni oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta G/Mudug iyo Bulshada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Garowe kulan kula qaatay isimada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay amniga iyo horumarinta gobolkaas.

Isimada Mudug oo hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaam Cabdulle ayaa madaxweynaha la wadaagay xaaladda amniga ee gobolkaas oo ay qayb ka tahay aanaysiga qabiilka.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa lala wadaagay hindise ay wadeen ganacsato reer Puntland ah, kaas oo ah in ay dayactir iyo maalgelin ku sameeyaan garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu balanqaaday in dowladdu qorshe cad ka qaadanayso amniga magaalada Gaalkacyo, dhawaana la arki doono, isagoo dhanka kale soo dhaweeyay hindisaha ganacsatada ee maalgelinta garoonka Gaalkacyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheikh oo lagu soo dhaweeyay dalka jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Pakistan oo ku hanjabtay inay burburin doonaan Daalibaanka

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa ku hanjabay inuu burburin doono...

Tirada dadka ku dhintay duqaymihii u dambeeyay ee Qaza oo kor u dhaafay 104

Dhimashada duqaymaha Israa’iil ayaa sii kordhaya iyada oo haatan...

Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta iyo xirirka warbaahinta oo xilka kala wareegay agaasimaha hore

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf...

Shirkii Carta oo la xusayo 25 sano kadib, balse Soomaaliya weli khilaaf ku jirta

Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku sii qul...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles