Xamaas oo wareejisay saddex naxash oo ay sheegeen inay meydad ku jiraan

Xamaas ayaa ku wareejisay saddex naxash oo ay sheegeen in ay ku jiraan meydadka la haystayaashii Qaza ee dhintay, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

Israa’iil ayaa naxashyada gudoontay, iyada oo la sii marinayo Laanqayrta Cas ee Marinka Gaza, meydadkaas ayaa la baari doonaa.

Haddii la xaqiijiyo inay yihiin la haystayaal dhintay, waxay ka dhigan tahay siddeed Israa’iil iyiin ah iyo qof ajaanib ah oo dhintay inay ku hareen Qaza.

Sida uu dhigayo wejigii koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa Israa’iil oo bilaabmay bishii hore, Xamaas waxa ay ogolaatay in ay dib u soo celiso 20 qof oo nool iyo 28 dhintay oo ay haysteen.

Israa’iil ayaa Xamaas ku eedaysay in ay aad uga gaabisay soo celinta la haystayaashii dhintay, halka Xamaas ay sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii ay u soo saari lahayd maydadka ku hoos jira burburka dhulkaas.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles