Xamaas oo wareejisay saddex naxash oo ay sheegeen inay meydad ku jiraan

Xamaas ayaa ku wareejisay saddex naxash oo ay sheegeen in ay ku jiraan meydadka la haystayaashii Qaza ee dhintay, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

Israa’iil ayaa naxashyada gudoontay, iyada oo la sii marinayo Laanqayrta Cas ee Marinka Gaza, meydadkaas ayaa la baari doonaa.

Haddii la xaqiijiyo inay yihiin la haystayaal dhintay, waxay ka dhigan tahay siddeed Israa’iil iyiin ah iyo qof ajaanib ah oo dhintay inay ku hareen Qaza.

Sida uu dhigayo wejigii koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa Israa’iil oo bilaabmay bishii hore, Xamaas waxa ay ogolaatay in ay dib u soo celiso 20 qof oo nool iyo 28 dhintay oo ay haysteen.

Israa’iil ayaa Xamaas ku eedaysay in ay aad uga gaabisay soo celinta la haystayaashii dhintay, halka Xamaas ay sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii ay u soo saari lahayd maydadka ku hoos jira burburka dhulkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles