Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sii jeeda dalka Tanzania, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan.

Xafladda caleema-saarka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dodoma, iyadoo lagu casuumay madax kala duwan oo ka socda dalalka gobolka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, caleema-saarku wuxuu ku soo beegmayaa xilli dalka Tanzania ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan siyaasadeed, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhacay 29-kii Oktoobar.

Wararka ka imanaya dalkaas ayaa sheegaya in mudaaharaadyo rabshado wata ay ka socdaan magaalooyinka waaweyn, halka dowladda Tanzania ay xannibtay baraha bulshada iyo ciidammo badan ku daadisay waddooyinka caasimadda Dodoma.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda kale ee ka soo qeybgelaysa xafladda, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo danaha labada dal.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles