Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sii jeeda dalka Tanzania, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan.

Xafladda caleema-saarka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dodoma, iyadoo lagu casuumay madax kala duwan oo ka socda dalalka gobolka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, caleema-saarku wuxuu ku soo beegmayaa xilli dalka Tanzania ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan siyaasadeed, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhacay 29-kii Oktoobar.

Wararka ka imanaya dalkaas ayaa sheegaya in mudaaharaadyo rabshado wata ay ka socdaan magaalooyinka waaweyn, halka dowladda Tanzania ay xannibtay baraha bulshada iyo ciidammo badan ku daadisay waddooyinka caasimadda Dodoma.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda kale ee ka soo qeybgelaysa xafladda, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo danaha labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles