Booliska Galmudug oo xaqiijiyay in dad loo soo qabtay dilkii loo geystay Hooyo iyo Caruurteeda

Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen lix nin oo lagu tuhunsan yahay weerarkii habeen hore ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, weerar kaas oo sababay dilka hooyo Soomaaliyeed iyo dhaawaca caruurteedii.

Ragga lasoo qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:
Cabdikafi Maxamed Axmed, Cabdulhi Xasan Daahir, Maxamed Cabdi Cabdulle, Suudi Daahir Kaahiyo, Qaasin Axmed Jimcaale, iyo Maxamed Cabdi Xeedar.

Taliyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka booliska Galmudug, kadib markii ay ka war heleen inay u baxsadeen dhanka magaalada Muqdisho.

“Ciidamada waxay sameeyeen baaritaanno iyo howlgal habaysan oo keentay in lagu guuleysto qabashada eedeysanayaasha, iyagoo qaarkood dhaawac ku ahaa markii lasoo qabtay,” ayuu yiri G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin.

Booliska Galmudug ayaa sheegay in eedeysanayaasha hadda lagu hayo gacanta ciidamada, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda si loo marsiiyo sharciga.

Taliska Booliska ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka warbixiyaan cid kasta oo ku lug leh falalka amni-darrada, si loo sugo xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles