Friday, April 3, 2026

Wadamada Carabta iyo Islaamka oo ku baaqay in ciidamada Israa’iil si degdeg ah uga baxaan Qaza

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka oo kulan ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxay cambaareeyeen xadgudubka Israa’iil ee ku aaddan heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza, waxayna ku baaqeen in ciidamada Israa’iil ay si deg-deg ah uga baxaan Gaza.

Kulanka looga hadlayay arrimaha Qaza oo Isniintii ka dhacay Istanbul, ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka Turkiga, Pakistan, Indonesia, Qatar, Sacuudiga, Jordan iyo Imaaraadka Carabta oo martigelinaya shirka.

Waxaa in la xusuusta ah in Pakistan, oo ay weheliyaan toddobo waddan oo kale oo Carab ah iyo Islaamiyiin ah, ay si firfircoon uga qaybqaateen hindisaha nabadeed ee ka dhashay ‘heshiiska nabadda ee Gaza’ ee ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dlka Qadar.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa markii uu soo idlaaday kulanka lagu sheegay, in intii uu socday kulanka ay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Senator Isxaaq Daar oo ay weheliyaan wasiirro kale oo arrimaha dibadda Carabta iyo Islaamka ay ka wadahadleen, qaabka mustaqbalka loo gaari karo xabad-joojin waarta iyo nabad waarta oo ka dhacda Gaza.

Sida lagu sheegay bayaanka, madaxda ka qayb galaysa kulanka ayaa si wada jir ah ugu baaqay gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah oo la geeyo Falastiiniyiin, waxayna cambaareeyeen xadgudubyada xabad joojinta ee Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in dhammaan hoggaamiyeyaasha ay si wadajir ah ugu baaqeen Israa’iil in ay ka baxdo dhulka Falastiin ee ay haysato, waxayna carrabka ku adkeeyeen dib u dhiska Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

390 Xildhibaan oo lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho

390-ka xildhibaan ee goloyaasha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hidise sharciyeedyo baaqna ka soo saaray Colaada gobolka Awdal

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Wafdi culus oo hor u dhac ah u MW Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku qul qulaya Wafuud ka...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles