Monday, May 18, 2026

Wasiir Fiqi oo shaaciyay tirada duqeyn ee la fuliyay iyo horjoogayaal Al-shabaab iyo Daacish ee la dilay

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu tilmaamay in sanadkan ay ciidamadu fuliyeen howlgallo iyo duqeymo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo warbixinta ka horjeediyay Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in tan iyo billowgii sanadkan la fuliyay 220 duqeyn lagu dilayna 868 xubnood oo Khawaarij ah, oo ay ku jiraan 52 horjooge.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Muqdisho, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo lagu xoojiyay la-dagaallanka cadowga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso saaxiibada caalamka si loo helo taageero buuxda oo ku saabsan tababarka, duqeymaha istaraatiijiga ah iyo qalabka lagu xoojiyo ciidamada qaranka.

“Waxaan wada-shaqeyn wanaagsan la yeelanay saaxiibada caalamka, si ay garab buuxa nooga siiyaan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo u badan ajaanib dalkeena kusoo duulay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dib loo billaabay dib-u-habeynta ciidamada, si loo helo ciidan awood u leh difaaca dalka.

Wuxuu xusay in intii u dhaxaysay 2022–2025 la fuliyay howlgallada “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys”, kuwaas oo lagu daciifiyay awoodda Khawaarijta.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Shabeellada hoose ay ciidamada qaranku ku dileen boqolaal ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jireen horjoogayaal iyo malleeshiyaad, intii lagu jiray howlgalladii ugu dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo ka shiray Dastuurka cusub iyo Qorshayaal kale

Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud...

Weerar lagu qaaday warshadda tamarta nukleyrka ee Imaaraadka

Saraakiisha Abu Dhabi ayaa sheegay in la xakameeyay dab...

Xubnaha Beesha Caalamka oo shir ka leh xaalada Soomaaaliya

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa maanta la...

IGAD oo DFS Iyo Mucaaradka Ku Cadaadisey inay heshiis gaaraan

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles