Monday, May 18, 2026

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, ayaa fuliyey howlgal ballaaran oo dhowr waji leh oo ka dhacay degaanka Daynuunaay iyo tuulooyin hoos yimaada, oo ay ka mid yihiin Kor Ing Roogi, Dhambalka, iyo Buur Rooring.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday tuulada Buul Dooro, halkaas oo lagu khaarajiyey Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ee gobolka, kaasoo magaciisa af-garasho lagu yaqaan Abuu Khaalid (Yaxye), iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo sidoo kale la dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay ku guuleysteen inay soo furtaan saanad ciidan oo ka kooban saddex qori AK-47 ah iyo booshashkoodii.

Taliyaha Guutada 8aad Qaybta 60aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow), oo warbaahinta la hadlay kadib howlgalka, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey, isagoo amaanay ciidanka geesiyaasha ah ee si gaar ah u beegsaday horjoogayaasha sare ee Khawaarijta.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya degaannada hoos taga magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo ka shiray Dastuurka cusub iyo Qorshayaal kale

Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud...

Weerar lagu qaaday warshadda tamarta nukleyrka ee Imaaraadka

Saraakiisha Abu Dhabi ayaa sheegay in la xakameeyay dab...

Xubnaha Beesha Caalamka oo shir ka leh xaalada Soomaaaliya

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa maanta la...

IGAD oo DFS Iyo Mucaaradka Ku Cadaadisey inay heshiis gaaraan

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles