Monday, June 8, 2026

Banaanbax rabshado wata oo ka socda Faransiiska

Dibadbaxyo rabshada wata oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Emanuel Macron, ayaa hareeyey guud ahaan dalka Faransiiska.

Dibedbaxyadan oo ay hormuud ka yihiin ururrada shaqaalaha oo ka gedoodsan wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerarka shaqada iyo daryeelka bulshada, ayaa ku soo beegmay xilli Ra’isul Wasaare cusub uu xilka la wareegey, kaddib markii horraantii todobaadkan kalsoonida lagala noqday xukuumaddii talada haysay.

Dibad-baxayaashu waxay xidheen waddooyinka, waxayna dab qabadsiiyeen goobo dhowr ah, iyaga oo carqaladeeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskuullada dalka oo dhan.

Ku dhawaad ​​250 qof ayaa la xidhay subaxnimadii hore ee shalay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xilka laga tuuray Bruno Retailleau.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles