Monday, February 23, 2026

Booliska oo soo bandhigay ciidamadii sugi lahaa doorashada

Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciidamo tiro badan oo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo lagu wado inay berri qabsoonto, kuna beegan 25-ka bisha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, ayaa kormeeray ciidamo loo asteeyay sugidda amniga doorashada, kuwaas oo loo kala diray fariisimaha horey loo qorsheeyay inay ka howlgalaan.

Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku boorriyay inay waajibaadkooda u gutaan si hufan, mas’uuliyad leh, isla markaana ay mudnaan siiyaan danta dalka, dadka iyo amniga guud.

Waxa uu si gaar ah u faray in la daryeelo muwaadiniinta ka midka ah waayeelka, dadka naafada ah iyo hooyooyinka, si ay codkooda ugu dhiibtaan si nabad ah oo habsami leh.

booliska Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin amni oo dhammeystiran, si loo xaqiijiyo in doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay ku dhacdo jawi amni iyo kala dambeyn leh, islamarkaana muwaadiniintu u gutaan waajibaadkooda codbixineed iyaga oo aan cabsi qabin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles