Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Amos Ambasa oo maanta warbaahinta gudaha la hadlay ayaa iska fogeeyey in ay ku lug lahaayeen dilka Axmed Sheekh Cumar oo lagu toogtay magaaladaasi habeennimadii Axadda.

Axmed oo ahaa darawal taksi ayaa dadka deegaanka iyo elladiisuba ay sheegayaan in dhimashiisu ay keentay rasaas ay fureen askar kamid ah ciidamo sida kuwa ka jawaabidda rabshadaaha degdegga ah (RPU) oo saldhig ku leh deegaanka Modhikaarey.

Hoggaamiyeyaasha magaalada ayaa Isniintii ka dalbaday booliiska “in si degdeg ah loo soo xiro lana maxkamadeeyo askartii ku lugta lahayd dilka, iyaga oo sheegay in marxuumka ay xabbad madaxa kaga taallay, iyaga oo tilmaamy in booliisku uu u diiwaangeliyay shil gaari, waxa ayna sheegeen in ay jireen dhaawacyo cadcad oo rasaas ah oo ka muuqday madaxa marxuumka.”

Axmed oo da’diisa lagu sheegay 25 sano ayaa kamid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magalada, mana aha dhacdadii ugu horreesay oo dil ah.

“Nin aad loo jeclahay oo muxtram ayaa meesha ku geeriyooday Allah u naxariitso’ isaga kaligiisna maaha waxyaabo badan oo isku tag gayna waa jiraan, wiil kale oo ciidan ahaa ayaa waxaa la leeyahay sida uu warka nagu soo gaarayo ayaa ku dhintay meel Gaarisa ka tirsan oo Dhamajaaley ah, isagana wali lama hubsan”, ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Taliye Amos Ambasa ayaa sheegay in habeennimadii Axadda saqdii dhexe, gaariga uu marxuumku waday markii uu arkay askarta uu si dedeg ah waddada uga leexday, taasina ay sababtay shilka gaariga, kadibna askartu ay bilaabeen daba-gal si ay u ogaadaan cidda saarneyd gaariga.

“Qiyaastii 150 mitir kadib, waxay ogaadeen in gaarigu galay shil iskiis u dhacay, kaas oo darawalku si xun ugu dhaawacmay, uuna u dhintay dhaawacaas, waxay sidoo kale ciidanku heleen laba wiil oo da’doodu ku dhowdahay 15 sano, kuwaas oo la wareystay,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in shilka kadib ay arrinta la wareegeen booliska taraafikada, kuwaas oo goobta yimid oo baaray, ka hor inta aan meydka loo qaadin qaboojiyaha isbitaalka Gaarisa si baaritaan loogu sameeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles