Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane D/le Xusen Idow Cabdu Laahi, kaas oo lagu soo qabtay fal khal-khal-galin amni ah, oo uu ka sameeyay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah isagoo xabdo ka dhex furay, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in eedaysnaha uu hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska, waxayna sheegeen in loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu wargaliyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida in ay ku ekaadaan Goobahooda shaqo inta Doorashada ka dhamaaneyso.

Maalin ka hor ayaa Booliska Soomaaliya waxaa ay soo xireen 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in hub sharci darro ah ay ku dhex wateen caasimada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles