Thursday, June 19, 2025

Ciidamada Daraawiishta KGS oo weerar ku dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed ay weerar ku qaaday fariisimo ay Al-shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Qansaxdheeri.

Howlgal Qorshaysan ayaa lagu dilay Horjoogiyaal sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa Qaadista waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka.

Sidoo kale howlgalka inta uu socday ayaa sidoo kale  waxay Ciidamada soo qabteen Mooto Al-shabaab u saarnayd Raashiin kala duwan oo ay si qasab ah ugu soo qaateen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Hoostaga degmada Qansaxdheeri.

Ciidanka Booliska Gaarka ah iyo Xooga Dalka ayaa wado Howlgalo Qorshaysan oo lagu soo afjarayo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles