Ciidamada fallaagada M23 oo qabsaday magaalo hor leh dalka Congo

Mucaaradka M23 ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay inay hadda si buuxda ula wareegeen magaalada Uvira – taasoo ahayd magaalada ugu dambeysay ee dowladda gacanta ku haysay ee gobolka Koonfurta Kivu.War-saxaafadeed, mucaaradka ay taageerto Rwanda ayaa ku baaqay in ciidamada Congo ee harsan ay isdhiibaan.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa xaqiijiyay joogitaanka dagaalyahannada ee xarunta guddoomiyaha gobolka iyo hoolka shirarka ee magaalada.

Magaalada Uvira waxaa dhowr kiiloomitir oo keliya u jirtaa dalka deriska la ah ee Burundi, halkaas oo kumanaan rayid ah ay u barakaceen.Kooxda mucaaradka M23 ayaa hadda xirtay xuduudda.

Mucaaradku waxay magaalada qabsadeen wax ka yar toddobaad kadib heshiiskii nabadeed ee ay wadeen Maraykanka, Congo iyo Rwanda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi ayaa qabsashada magaalada ku tilmaamay ceeb madaxweyne Trump.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles