Puntland ayaa maanta ciidamo hor leh u dirtay deegaannada Sanaag iyo Highland, gaar ahaan waddooyinka istaraatiijiga ah ee ka yimaadda gobolka Sool kuna gala degmooyinka Dhahar iyo Xingalool. Ciidamadan ayaa lagu xoojiyay difaacyada magaalada Ceelbuh, halkaas oo uu ku sugan yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Cawl.
Tallaabadan milatari ayaa kusoo beegmaysa xilli mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo diray Sanaag & Highland ay maanta ka degeen magaalada Laascaanood, iyagoo u socda deegaanka Ceelbuh si ay halkaas ugu qabtaan shir ballaaran. Shirkaasi ayaa lagu doonayaa in lagu dhiso hannaan maamul cusub oo ay DFS u samaynayso gobollada Sool, Sanaag, Highland & Cayn, arrintaasoo Puntland si adag uga soo horjeeddo.
Mas’uuliyiinta Puntland ee fadhigoodu yahay Badhan ayaa tan iyo shalay waday dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo siyaasadeed si looga hortago in shirkaasi dhaco, waxayna sheegeen in aysan aqbali doonin wax maamul ah oo laga dhiso Sanaag iyo Highland oo aan ka tirsanayn Puntland.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Cawl, ayaa isna ku adkaysanaya in Ceelbuh uu yahay deegaan nabdoon, islamarkaana uu halkaas ku qabanayo shir looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee gobollada Sanaag iyo Highland.
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku sugan Laascaanood ayaa weli doonaya inay gaaraan Ceelbuh, halkaas oo ay rabaan in ay ku qabtaan kulanka, taas oo keentay xiisad sare oo u dhaxeysa DFS iyo Puntland. Puntland waxay si cad u sheegtay in aysan ogolaan doonin wax shir ah oo laga abaabulo gobolladaasi oo aysan qayb ka ahayn Puntland.
Xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka aloosan gobollada Sanaag iyo Highland ayaa markale cirka isku shareertay. Waxaa la sugayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka, maamulka Puntland, iyo waxgaradka deegaanka.


