Thursday, July 16, 2026

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish iyo raggii waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah u waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde, halkaas oo ay ciidamadu horey uga sameeyeen go’doomin dhinac walba ah.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, oo u dhaxeeya magaalada Boosaaso iyo aagga Baallde, iyadoo ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday gaariga. Sida lagu sheegay war kooban oo ay soo saareen laamaha amniga, raggan ayaa lagu tuhunsan yahay inay si qarsoodi ah u wadeen sahayda, si ay ugu gaarsiiyaan Daacish meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Wararka laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaya in ay ka dhammaadeen keydkii raashinka iyo dawooyinka, taas oo sababtay in ay sahaydo ka dalbadaan magaalada Boosaaso, xilli ay wajahayaan cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Puntland.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubnaha Daacish haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla togga Baallde, oo 20km u jira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxdaasi, si looga ciribtiro dhammaan saldhigyadooda gobolka Bari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran oo ku goodisay marino kale ay xiri doonto

Iran ayaa ku hanjabtay inay xirayso marino kale oo...

Ukraine iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya ballaarinta soo saarista drones-ka

Ukraine iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay inay hirgeliyaan...

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles