Tuesday, February 10, 2026

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo qaaday howlgal culus oo ka dhan ah AS

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, howlgalkaas oo laga fuliyey deegaanno ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada isgarabsanaya iyo kooxaha Al-Shabaab. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaannadii lagu dagaalamay.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in howlgalka uu guulo waaweyn laga gaaray, waxaana gacanta lagu dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaannada sida buuxda loo qabsaday ayaa waxaa ka mid ah Beerayabaal, Qurbabooto, Cadow Gureey, iyo deegaanno kale oo muhiim ah.

Hoggaanka ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladu ay sii socon doonaan, iyadoo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ka dhan ah Al-Shabaab uu haatan ka socdo aaggaasi.

Waxay ku adkeysteen in dagaalka lagula jiro kooxdan uu sii xoogeysan doono si deegaannada looga xoreeyo.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta...

Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa...

NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles