Saturday, June 14, 2025

Degmooyin ka tirsan Puntland oo saaka looga dareeray doorasho qof iyo cod ah

Doorasho qof iyo Cod ah ayaa saaka looga dareeray degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo si habsami leh ay dad weynuhu u dhiibanayaan codadkooda.

Seddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa saaka aroornimadii safaf loo galay doorasho qof waliba uu codkiisa xor u yahay, laguna dooranayo goloyaasha deegaanka.

Degmooyinka ayaa kala ah Dangorony, Garoowe iyo Godobjiran, horay ayay u baaqatay doorashadii loo asteeyay degmooyinkaasi, taasi oo ay dib u dhigeen khilaaf xooggan oo xiligaasi sababay in gabi ahaanba seddexda degmo ay ka haraan doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee Golayaasha degaanka, balse saaka ayay shacabku u dareereen doorashadii horay kaga baaqatay.

Waxaa markii hore la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo 37 degmo oo ka tirsan Puntland. balse seddexdaas degmo doorashadu kama dhicin, Sababta ayaana ahayd in xilligaas agabka doorashada uu gacanta u galay dad caraysan iyo meelaha qaar oo khilaaf siyaasadeed uu ka jiray.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles