Monday, February 23, 2026

DFS iyo Galmudug oo xabad joojin kala dhex dhigtay maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa  xabbad-joojin rasmi ah oo lagu dhaqan geliyay deegaanada u dhexeeya Huurshe, Xeraale, ilaa Caabudwaaq, kuwaas oo mudooyinkii la soo dhaafay ahaa goobo colaadeed oo ay ka dhaceen dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 21-aad, oo ay wehliyaan ciidamada Madaxtooyada Galmudug, ayaa si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga, waxaana ay haatan ku sugan yihiin dhammaan isgoysyada iyo goobihii dagaalladu ka dhaceen. Ciidamada waxay sameeyeen howlgal lagu xaqiijinayo xasilloonida amniga iyo in laga hortago in dagaalladu sii socdaan.

Xabbad-joojinta ayaa la filayaa inay noqoto fursad lagu bilaabo dadaallada nabadeed, iyadoo mas’uuliyiinta amniga ay xaqiijiyeen in la gaaray heshiis xabbad-joojin rasmi ah. Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in maalmaha soo socda la furo gogol nabadeed, si dhinacyada is-haya ay isugu yimaadaan ugana wada hadlaan xallinta khilaafaadka ka dhex jira.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanadaasi inay ilaaliyaan nabadda ayna la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo xasillooni waarta. Waxaa sidoo kale la xusay in hawlaha nabadeed ee la bilaabayo ay muhiim u yihiin dib u dhiska bulshada iyo xoojinta isfahamka dhex mara dadka deegaannadaas.

Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad iyo Ciidamada Madaxtooyada Galmudug ayaa si guul leh u kala dhexgalay maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay deegaanada isgoyska u dhexeeya Laandheer iyo Huurshe.

Kulamo gaar ah ayaa loo sameeyay odayaasha dhaqanka ee dhinacyada dagaalamay, iyadoo wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Ganacsiga ee Galmudug, iyo saraakiisha ciidamada, ay kulan la yeesheen odayaasha si loo adkeeyo muhiimadda nabadda iyo wada-shaqeynta bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles