Wiil bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Deyniile

Wiil dhalinyaro Aqoonyahan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi risaaq Abuukar Muxumed Beereey, ayaa waxaa Xalay si  fool xun loogu dilay waaxda Barwaaqo ee degmadda Dayniile ee Gobalka Banaadir.

Marxuum C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey ayaa waxaa dilay mid ka mid ah Laba Askari oo isku risaaseyneysay Xaafadda Waaxda Barwaaqo ee degmadda Dayniile ee Gobalka Banaadir iyadda oo Askarigii dilka gaysatay uu ka baxsaday goobta uu dilka ka gaystay.

Marxuum C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey waxa uu noloshiisa ku maarayn jiray kana shaqeysan jiray Bajaajta ka howlgasha Magaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Marxuum, C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey ayaa waxa uu ka soo jeedaa Gobalka Hiiraan gaar ahaan degmadda Jalalaqsi waxa uuna rabay dhawaan maalmo kadib in uu u safro ama u duulo dalka Mareykanka isaga iyo qoyskiay haysteen dal ku galka dalka Mareykanka

Dilalka askarta ay u geystaan dadka shacabka ah ayaa muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos u dhacayay, laakiin waxaa hadda muuqata in degmada Deyniile ay dilal ka dhaceen bilihii lasoo dhaafay oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, iyadoo dilalkaas qaarkood loo aaneyno rag ku labisan dareeska ciidan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles