Mareykanka oo ka hadlay weerarka Australia

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Isniintii telefoonka kula hadlay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Australia, Penny Wong, iyagoo “ka wada hadlay weerarkii argagixiso ee naceybka Yuhuudda ku saleysnaa ee ka dhacay Bondi Beach ee Sydney”, ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tommy Pigott, oo soo saaray bayaan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku “si adag u cambaareynayo weerarka argagixiso ee foosha xun”, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

“Ma jiri karo is afgarad ku saleysan naceybka Yuhuudda – dhibaatadaan waa in la wajahaa lana guuleystaa.”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska New South Wales ayaa sheegay in 15 qof, oo ay ku jirto gabar 10 jir ah, lagu dilay weerar toogasho oo ka dhacay Bondi Beach Axaddii – da’doodu waxay u dhaxaysaa 10 ilaa 87 sano.

Weerarku wuxuu dhacay iyadoo munaasabad lagu xusayay bilowga Hanukkah – booliiska ayaana sheegay inay ula fal galayaan dhacdo argagixiso.

Labada nin ee hubeysnaa waxay ahaayeen aabe iyo wiil, sida ay booliiska sheegeen. Ninka 50 jirka ah ayaa isna ku dhintay goobta halka ninka 24 jirka ah uu ku jiro isbitaal, iyadoo xaaladdiisuna halis tahay.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles