Mareykanka oo ka hadlay weerarka Australia

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Isniintii telefoonka kula hadlay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Australia, Penny Wong, iyagoo “ka wada hadlay weerarkii argagixiso ee naceybka Yuhuudda ku saleysnaa ee ka dhacay Bondi Beach ee Sydney”, ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tommy Pigott, oo soo saaray bayaan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku “si adag u cambaareynayo weerarka argagixiso ee foosha xun”, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

“Ma jiri karo is afgarad ku saleysan naceybka Yuhuudda – dhibaatadaan waa in la wajahaa lana guuleystaa.”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska New South Wales ayaa sheegay in 15 qof, oo ay ku jirto gabar 10 jir ah, lagu dilay weerar toogasho oo ka dhacay Bondi Beach Axaddii – da’doodu waxay u dhaxaysaa 10 ilaa 87 sano.

Weerarku wuxuu dhacay iyadoo munaasabad lagu xusayay bilowga Hanukkah – booliiska ayaana sheegay inay ula fal galayaan dhacdo argagixiso.

Labada nin ee hubeysnaa waxay ahaayeen aabe iyo wiil, sida ay booliiska sheegeen. Ninka 50 jirka ah ayaa isna ku dhintay goobta halka ninka 24 jirka ah uu ku jiro isbitaal, iyadoo xaaladdiisuna halis tahay.

WARARKII KALE

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles