Thursday, April 9, 2026

DFS oo bilowday in ay ciidamo dhigto wadooyinka Muqdisho, si loo sugo ammaanka doorashooyinka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta billowday daabulidda ciidamo isugu jira Boolis iyo kuwa kale oo ammaanka ah, kuwaas oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, xilli ay socoto diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Ciidamadan ayaa loogu talagalay sugidda ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo wadooyinka muhiimka ah iyo xarumaha codbixinta. Wadada 30-ka ayaa kamid ah meelaha saaka si weyn loogu arkay ciidamo Boolis ah oo heegan buuxa ku jira.

Sidoo kale, xalay ayaa magaalada Muqdisho markale kulan ku yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada Booliska iyo guddiga doorashooyinka, kulankaas oo diiradda lagu saaray qorshaha sugidda ammaanka goobaha doorashada, ka hortagga falal amni-darro iyo habraacyada lagu xaqiijinayo in doorashadu u dhacdo si nabad ah.

Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho. Doorashadan ayaa ah mid aan si toos ah qof loogu dooranayn, balse ah nidaam ay dadku ku codeynayaan xisbiyo iyo ururo siyaasadeed.

Sida guddiga doorashooyinka ay sheegeen, dadka codeynaya ayaa kala dooran doona xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo tiradoodu gaareyso ilaa 20 urur, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb qaadanaya tartanka doorashada.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in maalinta beri ah la xiri doono qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, sidoo kalena si ku-meel-gaar ah loo joojin doono duulimaadyada ka baxa kana soo dega garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, arrintaas oo qeyb ka ah qorshaha sugidda ammaanka doorashada.

WARARKII KALE

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

Wefdiga Iiraan oo maanta tegaya Pakistan

Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles