Thursday, April 9, 2026

DFS oo ku dhawaaqday in khamiista la xirayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal rasmi ah oo lagu shaaciyay in si buuxda loo xirayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maalinta Khamiista, oo ku beegan 25-ka December.

Hay’addu waxay sheegtay in hakinta shaqada garoonka ay la xiriirto doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho maalintaas, taas oo u baahan diyaar-garow amni iyo maamul oo gaar ah.

Warqad rasmi ah oo arrintan la xiriirta ayaa loo diray dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha ka shaqeeya iibinta tikidhada, si ay ula socodsiiyaan rakaabka una qaataan tallaabooyinka ku habboon.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa horey u soo saartay go’aan la mid ah, kaasi oo lagu hakiyay dhamaan dugsiyada waxbarashada dalka maalinta Khamiista, sababo la xiriira isla doorashadaas.

Sidoo kale, Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta Khamiista la xiri doono wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo la adkeyn doono amniga guud ee caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, islamarkaana ay qaataan wacyigelin ku saabsan isbeddellada ku-meelgaarka ah ee la xiriira isu-socodka iyo adeegyada maalintaas.

WARARKII KALE

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

Wefdiga Iiraan oo maanta tegaya Pakistan

Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, ayaa Khamiista...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles