DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Gedo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni-darrada ah ee weli ka socda Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan xubno qaswadayaal ah oo uu amar siiyay Axmed Madoobe, madaxda Jubbaland.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xubnahaasi ay ku howlan yihiin abaabul dagaal iyo marin habaabin dadweyne si ay u qariyaan dambiyada ay faraha kula jiraan. Waxaa war-saxaafadeedka lagu xusay in Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay shaqsiyaadka horey gacanta ugu lahaa falal amni-darro oo ka dhacay gobolka, isla markaana maalmahan dambe lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyada hadda socda.

Wasaaradda ayaa caddeysay in Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo taageero ka helaya shacabka deegaanka ay howlgallo ka wadaan gobolka, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, xasiloonida, iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

War-saxaafadeedka ayaa si toos ah digniin ugu diray shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan hurinta xiisadaha siyaasadeed iyo amni-darro. Dowladda ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqyadooda lala socdo, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay sii wadaan falkan liddi ku ah dowladnimada.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles