Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada xilli ay soo degeysay, kadib markii diyaarada ay u bixi waysay lugaha hore ee diyaaradaha.
Majirto wax khasaara ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed ee garoonka sida ay ii xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee garoonka.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde, waxaa uuna sheegay in sheegtay ilaa 5:00 galabnimo in ay xireen garoonka, ka dib shil ka dhacay dhabaha diyaaradaha ay ka soo digaan.
Sidoo kale Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheeegay in diyaaradda shilka gashay ay saarnaayeen 22 qof oo shaqaalaha Qaramada Midoobey, waxaa ayna ka digi weysay garoonka Baydhabo oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.
Waxaa socdo dadaal xoog leh oo diyaarada looga qaadi doono goobta ay ku dhacday.