Diyaarad ay leedahay Q.M oo shil ku gashay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada xilli ay soo degeysay, kadib markii diyaarada ay u bixi waysay lugaha hore ee diyaaradaha.

Majirto wax khasaara ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed ee garoonka sida ay ii xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee garoonka.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde, waxaa uuna sheegay in sheegtay ilaa 5:00 galabnimo in ay xireen garoonka, ka dib shil ka dhacay dhabaha diyaaradaha ay ka soo digaan.

Sidoo kale Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheeegay in diyaaradda shilka gashay ay saarnaayeen 22 qof oo shaqaalaha Qaramada Midoobey, waxaa ayna ka digi weysay garoonka Baydhabo oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Waxaa socdo dadaal xoog leh oo diyaarada looga qaadi doono goobta ay ku dhacday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles