Monday, July 20, 2026

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada “ VIA MOSCOW”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada dib loo dhisay ee VIA Moskow, taas oo isku xirta buundooyinka degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.

Wadadan oo ka mid ah halbowlayaasha muhiimka ah ee caasimadda, islamarkaana kor u qaadaysa isku socodka bulshada iyo horumarka magaalada, ayuu Dr. Muungaab sheegay in dhismaheeda uu muddo lix bilood hakad ugu jiray sababo la xiriira maqnaanshaha dhaqaalaha, kadib markii shirkaddii qandaraaska la siisay aysan helin qarashkii fulinta mashruuca. Wuxuu xusay in hadda Dowladda Hoose ee Muqdisho ay si buuxda u maalgelisay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ku boorriyay in si wadajir ah loo ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda wadada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciddii ku xadgudubta sharciga lala tiigsan doono. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyo bulshada caasimadda ay tahay inay iska kaashadaan: Ilaalinta adaafadda, bixinta canshuuraha, iyo u dulqaadashada saxmadda wakhtiga dhismaha wadooyinka, maadaama laga shaqaynayo in la helo wadooyin tayo leh oo waara.

Munaasabadda xarig-ka-jaridda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Ku-xigeenka hawlaha guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, guddoomiyayaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles