Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Guddiga ka shaqeynta dib-u-habeynta CXD

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka, Guddigan ayaa waxaa ku midaysan Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulankan sagootinta, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka Xoogga.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in guddiga farsamo ee la magacaabay laga rabo inay kala saaraan askarta hawlgabka ah iyo kuwa shaqeeya, hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahooda iyo inay hirgeliyaan nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha, ujeedada arrintani waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.

Wasiir Fiqi, wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan uu qayb ka yahay fulinta Xeer Madaxweyne Lr.238, kaas oo qeexaya hab-raaca dib-u-habeynta ciidanka, si loo helo ciidan tayo leh oo guta waajibaadka difaaca qaranka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles