Thursday, April 9, 2026

Golaha Amniga Qaranka Oo Soo Saaray Awaamir Cusub Oo Ku Saabsan Xakamaynta Hubka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Amniga Qaranka yeeshay 18-ka Luulyo 2024. Kulankan ayaa looga hadlay hub sharci darro ah oo laga soo geliyay Galmudug.

Go’aannada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah:

– Adkeynta kormeerka hubka iyo rasaasta.

– Mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

– Soo gudbinta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hubka sharci darrada ah.

– In si degdeg ah maxkamad loo soo taago dadka ku lugta leh hawshan sharci darrada ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada hirgelinta shuruucda xakameynta hubka iyo rasaasta. Kulanka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles