Thursday, December 25, 2025

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Barakacayaasha

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiila Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa manta Muqdisho ka daah-furay Shirweyne looga hadlayo sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

Sidoo kole Madasha waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, sigaar ah waxaa shirka diirada lagu saaray sidii looga taageeri lahaa dhanka shaqo abuurka iyo nolal maalmeedka dadka barakacyaasha ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo daah furay madasha ayaa xusay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo dhaxal-gal u noqon doona qaxootiga, barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay, iyada oo diiradda lasaari doono Kobcinta xirfadaha iyo shaqo abuurka dadka nugul.

Mohamed Kaarshe oo ah wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa carabaabay in IGAD ay ka go’an tahay sidii dowladda Soomaaliyeed loogu garab siin lahaa shaqo abuurka, isaga oo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ku ammaanay sida ay ahmiyad weyn u siiyeen dhinacyada Xalalka waara ee Barakacyaasha.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta codkiisa dhiibtay iyo fariin uu u diray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka...

Codeynta Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo weli socota(sawirro)

Codeynta ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilaabtay goobaha codbixinta...

Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo saaka ka bilaabatay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Golaha deegaanka ee...

Zelensky ayaa ka hadlay qorshaha nabadda ee dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa daboolka ka qaaday faahfaahinta...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles