Iraan iyo Ruushka oo wadahadlaya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran – oo magaalada Moscow ee dalka Ruushka u jooga wadahadallo – ayaa sheegay in uu “wadahadallo muhiim ah” la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kuwaas oo looga hadlayo “caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaadaha”.

Ruushka ayaa dhaleeceeyay weerarka Mareykanka uu ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran iyadoo safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Mareykanka uu “furay sanduuqa Pandora”.

Haddii wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Arakchi, uu la kulmo Putin galinka dambe ee maanta, waxa ay u badan tahay in uu taageero ah ka helo hoggaamiyaha Kremlin-ka, laakiin kaalmada milatari ee Moscow ayaa u muuqata mid aan suurtagal ahayn.

Haatan, mudnaanta koowaad ee Ruushku, waa dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Waa hubaal in Ruushka iyo Iran ay leeyihiin heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed, laakiin ma aha heshiis difaac oo Moscow kuma qasbana in ay taageero milatari siiso Tehran.

Todobaadki la soo dhaafay, madaxweyne Putin waxa uu sheegay in Iran aysan ka codsan Moscow kaalmo militari, waxaana hadalladiisa ka muuqda in uusan ku degdegin arrintaas.

Aqalka Kremlin-ka ayaa aad u daneynayey in uu xiriir wanaagsan la yeesho labada dhinac, waa Iran iyo Israel – iyo in la dhiso xiriir wada shaqeyn wanaagsan oo lala yeesho madaxweyne Donald Trump

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles