Monday, July 20, 2026

Israa’iil oo hubeynaysa beelo sugan Gaza

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay hub siinayso beelo ku sugan Qasa kuwaas oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Xamaas.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay soo xigatay ilo dhinaca difaaca ah oo sheegayay in Netanyahu uu oggolaaday in hub la siiyo koox gaar ah oo ku sugan koonfurta Qasa.

Siyaasiyiin Israa’iiliyiin ah oo dhowr ah ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu khatar gelinayo ammaanka Israa’iil.

“Maxaa ka khaldan arrintan?” ayuu yiri Netanyahu muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X. Wuxuuna sii raaciyay: “Kaliya waxay badbaadineysaa nolosha askarta Israa’iil”, isagoo intaa ku daray – “Faafinta arrintani waxay kaliya caawineysaa Xamaas.”

Waxa uu raysal wasaaraha Israa’iil warkiisu daba socdaa warbixinno sheegaya in Israa’iil, isaga oggolaanshihiisa, ay hub siineyso beel ku sugan Qasa oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Yasser Abu Shabab.

Kooxdan, oo ay qaar u arkaan inay tahay maleeshiyo ama koox dambiilayaal ah, ayaa isu soo bandhigtay inay tahay xoog mucaarad ku ah Xamaas.

Waxay sheegtay in ujeedkeedu yahay inay ilaaliyaan gaadiidka gargaar sida ee galaaya Qasa, balse dadka dhaliila waxay leeyihiin waxay sameyneysaa wax arrintaa ka soo horjeeda oo ah in ay dhac iyo bililiqo ku heyso gargaar kasta oo Qasa gala.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles