Maamulka Jubbaland ayaa ugu yeeray dhammaan umadda Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dalka iyo dowladnimada xilligaan kajirta Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in ururkii lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ay muujinayso in madaxtooyadu isku diyaarinayso xukun kagigiis talisnimo, xilli dalku wajahayo xaalad ammaan xumo oo aad u liidata.
Jubbaland waxay ku baaqday in dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay si wadajir ah u istaagaan si loo badbaadiyo dowladnimada curdanka ah ee dalka.
“Haddii aan maanta wax laga qaban, rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee dalkeenna waxaa la gelinayaa god dheer,” ayay raacisay Jubbaland.Jubbaland waxay sidoo kale la hadashay beesha caalamka iyo saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya:
“Maanta maalin ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin garab istaag dhab ah, waa in laga hortagaa kooxaha raba in ay waddada saxda ah ka leexiyaan dalka,” ayay tiri Jubbaland.