Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal koonfurta Faransiiska
14 jir ayaa soo galay dugsiga dhexe ee Lakanal oo ku yaal magaalo yar oo 11 mayl bariga kaga beegan Marseille.
Rasaas ayuu furay kaddibna waxaa qabtay mid ka mid ah shaqaalaha sida ay warbaahinta Faransiiska u sheegeen saraakiisha deegaanka.
Ma jiro cunug ku dhaawacmay marka laga reebo macallimiinta oo dhaawacoodu uusan halis aheyn.
Sida uu sheegay duqa magaalada Aubagne oo ah halka uu ku yaal iskuulka, eedeysanaha ayaa ah arday dhigta fasalka 11-aad.
Xafiiska dacwad oogaha Marseille ayaa bilaabay baaritaan la xiriira toogashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in aan loo malaynayn in dhacdadan ay xiriir la leedahay dibadbaxyada dugsiyada, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka.
labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska
NAGU SOO BIIR


