Tuesday, August 18, 2026

Maamulka SSC Khaatuma oo Qaylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Dowladda SSC-Khaatumo ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaalad biyo-yari iyo abaar ba’an oo ka jirta deegaannadeeda, kadib markii ay bateen saadaasha iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee muujinaya roobabkii Gu’ga 2025 ee aan si fiican u da’in.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Tamarta, Khayraadka Biyaha iyo Macdanta ayaa si gaar ah loogu diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa gargaarka, iyo wasaaradda biyaha ee dowladda federaalka, iyadoo la codsaday in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu yareynayo saameynta ay leedahay biyo-yarida, taasoo durba saameyn ku yeelatay nolosha dadka xoola-dhaqatada ah, cunno-yarida, caafimaadka, iyo xasilloonida guud ee deegaanka.

Wasaaraddu waxay dalbatay:-

In si rasmi ah loo aqoonsado loona helo feejignaan degdeg ah oo ku saabsan biyo-yarida ka taagan SSC-Khaatumo.

In la abaabulo qiimeyn degdeg ah oo lagu ogaanayo heerka dhibaatada guud ahaan degmooyinka.

In kor loo qaado adeegyada gaarsiinta biyaha, sida gaadiidka biyo xambaarsan iyo xalalka biyaha degdegga ah.

In la taageero dadaallada xasillinta bulshada, sida dayactirka ceelasha iyo horumarinta kaabayaasha biyaha.

Wasiirka Wasaaradda,  Ali Warsama, ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah in ay si dhaqso ah uga jawaabaan, isagoo tilmaamay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, ay suuragal tahay in arrintani isu beddesho musiibo bani’aadanimo oo keenta barakac, nafaqo-darro, iyo cudurro.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles