Thursday, June 19, 2025

Maamulka SSC Khaatuma oo Qaylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Dowladda SSC-Khaatumo ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaalad biyo-yari iyo abaar ba’an oo ka jirta deegaannadeeda, kadib markii ay bateen saadaasha iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee muujinaya roobabkii Gu’ga 2025 ee aan si fiican u da’in.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Tamarta, Khayraadka Biyaha iyo Macdanta ayaa si gaar ah loogu diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa gargaarka, iyo wasaaradda biyaha ee dowladda federaalka, iyadoo la codsaday in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu yareynayo saameynta ay leedahay biyo-yarida, taasoo durba saameyn ku yeelatay nolosha dadka xoola-dhaqatada ah, cunno-yarida, caafimaadka, iyo xasilloonida guud ee deegaanka.

Wasaaraddu waxay dalbatay:-

In si rasmi ah loo aqoonsado loona helo feejignaan degdeg ah oo ku saabsan biyo-yarida ka taagan SSC-Khaatumo.

In la abaabulo qiimeyn degdeg ah oo lagu ogaanayo heerka dhibaatada guud ahaan degmooyinka.

In kor loo qaado adeegyada gaarsiinta biyaha, sida gaadiidka biyo xambaarsan iyo xalalka biyaha degdegga ah.

In la taageero dadaallada xasillinta bulshada, sida dayactirka ceelasha iyo horumarinta kaabayaasha biyaha.

Wasiirka Wasaaradda,  Ali Warsama, ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah in ay si dhaqso ah uga jawaabaan, isagoo tilmaamay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, ay suuragal tahay in arrintani isu beddesho musiibo bani’aadanimo oo keenta barakac, nafaqo-darro, iyo cudurro.

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles