Saturday, August 8, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Shiinaha kula kulmay dhiggiisa Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Kenya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-wasir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo ka dhacay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.

Kulankan ayuu wazirku uga gol lahaa inuu ku adkeeyo in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba ay waajib tahay in lagu fuliyo oo keliya hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Wasiir Abdisalam ayaa si ku adkeeyey in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay tiir-dhexaad u ah deris wanaagga iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu uga digay dhammaan dhinacyada ku lug leh gobolka in la dhiirigaliyo kooxo aan sharciyad lahayn ama sheeganaya gooni u goosad, taas oo uu ku sheegay in ay dhaawac ku tahay kalsoonida iyo wada-shaqeynta gobolka.

Dhankiisa, Wasiir Mudavadi ayaa si cad u muujiyay in Kenya ay weligeed garab taagneyd midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageeradaas iyadoo la jaanqaadaysa mabaa’diida deris wanaagga iyo wadajirka gobolka.

Labada wasiir waxay isla meel dhigeen in la dedejiyo kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah (JCC), si loo dhammeystiro heshiisyadii is-afgarad ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga.

Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya kaalinta ay ka qaadato sugidda nabadda Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika, oo muddo ka badan 25 sano ah Kenya ay qayb muhiim ah ka ahayd.

Kulankan ayaa loo arkay mid guul ah oo muujinaya isfaham, kalgacal derisnimo iyo rabitaan cusub oo lagu xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles