Maayarka cusub ee New York oo sheegay inuu xiiseynayo inuu wadahadal la yeeshoTrump

Duqa cusub ee magaalada New York – Zohran Mamdani – ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu wadahadal la yeesho Madaxweyne Trump, isla markaana uu kala hadlo sida ay isaga kaashan karaan u adeegidda dadka New York.

Wuxuu soo jeediyay in ballanqaadkii ololaha madaxweynaha ee ahaa in la dhimo qiimaha nolosha ay noqon karto hal mawduuc oo ay ka wada hadlaan.

Wareysi uu siiyay Fox News, Mr Trump wuxuu sheegay in Mr Mamdani uu la soo xiriiro isaga, wuxuuna ku booriyay inuu noqdo qof ixtiraam leh – isaga dhanka kalena uga digay in haddii kale uusan ka guuleysan doonin.

Trump ayaa doorashadiisa ka hor ku hanjabay, inuu dhaqaalaha federaalka ee la siiyo magaalada NYK uu jari doono, hadii la soo doorto Mamdani.

Ha yeeshe markan, waxay u muuqataa in labada dhinac ay isku soo dhawaanayaan doorashada kadib, iyadoo muhiimaddu tahay in Mamdani u adeego shacabkiisa soo doortay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles