Maayarka cusub ee New York oo sheegay inuu xiiseynayo inuu wadahadal la yeeshoTrump

Duqa cusub ee magaalada New York – Zohran Mamdani – ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu wadahadal la yeesho Madaxweyne Trump, isla markaana uu kala hadlo sida ay isaga kaashan karaan u adeegidda dadka New York.

Wuxuu soo jeediyay in ballanqaadkii ololaha madaxweynaha ee ahaa in la dhimo qiimaha nolosha ay noqon karto hal mawduuc oo ay ka wada hadlaan.

Wareysi uu siiyay Fox News, Mr Trump wuxuu sheegay in Mr Mamdani uu la soo xiriiro isaga, wuxuuna ku booriyay inuu noqdo qof ixtiraam leh – isaga dhanka kalena uga digay in haddii kale uusan ka guuleysan doonin.

Trump ayaa doorashadiisa ka hor ku hanjabay, inuu dhaqaalaha federaalka ee la siiyo magaalada NYK uu jari doono, hadii la soo doorto Mamdani.

Ha yeeshe markan, waxay u muuqataa in labada dhinac ay isku soo dhawaanayaan doorashada kadib, iyadoo muhiimaddu tahay in Mamdani u adeego shacabkiisa soo doortay.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles