Monday, May 18, 2026

Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya, kadib markii kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah ay isku dayeen inay weeraraan maraakiib ganacsi oo marayay aaggaas. Ilo-wareedyo dhinaca badda ah ayaa sheegay in weerarkan uu dhaliyay walaac cusub oo ku saabsan soo laabashada falalka burcad-badeedda ee mar ku baahay xeebaha Soomaaliya.

Wararka ayaa tilmaamaya in dabley hubeysan ay Isniintii rasaas ku fureen markab nooca booyadda ah oo marayay meel ka baxsan xeebta Muqdisho, iyagoo isku dayay inay si xoog ah ugu fuulaan. Weerarkan ayaa loo arkaa kii ugu horreeyay ee lagu tuhmo burcad-badeed Soomaali ah tan iyo sannadkii 2024, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo badda ah.

Dhacdadan iyo weerarro kale oo la mid ah ayaa sare u qaaday cabsi ku saabsan amniga marinnada badda ee muhiimka ah, kuwaas oo ay maraakiibta caalamku u adeegsadaan gaarsiinta tamarta iyo badeecooyinka ganacsi ee suuqyada caalamka.

Sidoo kale, markab kalluumeysi oo wata calanka Seychelles ayaa toddobaadkan u dhowaaday doon kale oo si xowli ah u socotay, halka ilo amni oo kale ay sheegeen in kooxo aan la aqoonsan qabsadeen doon kalluumeysi oo laga lahaa dalka Iran. Waxaa la rumeysan yahay in doontaas la haysto loo adeegsan karo sidii “markab hooyo” oo laga bilaabo weerarro kale oo badda ah.

Howlgalka badda ee Midowga Yurub, Operation ATALANTA, ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana uu markab ciidan u diray aagga si loo xaqiijiyo amniga maraakiibta ganacsiga. “Sababo la xiriira amniga, faahfaahin dheeri ah lama bixinkaro,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay howlgalka.

Shirkadda amniga badda ee Britain, Ambrey, ayaa sheegtay in “ay jirto koox burcad-badeed Soomaali ah oo u muuqata inay dib uga hawlgaleyso badda, meel ka baxsan 300 mayl-badeed oo xeebta Soomaaliya ah,” taasoo sare u qaaday feejignaanta caalamiga ah ee amniga marin-biyoodka Geeska Afrika.

Dhacdadan ayaa dhalisay cabsi ah in halista burcad-badeedda Soomaalida — oo mar la rumeysan yahay in la ciribtiray — ay dib u soo cusboonaaneyso, xilli gobollada qaar ee dalka ay wali wajahaan caqabado amni iyo dhaqaale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo ka shiray Dastuurka cusub iyo Qorshayaal kale

Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud...

Weerar lagu qaaday warshadda tamarta nukleyrka ee Imaaraadka

Saraakiisha Abu Dhabi ayaa sheegay in la xakameeyay dab...

Xubnaha Beesha Caalamka oo shir ka leh xaalada Soomaaaliya

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa maanta la...

IGAD oo DFS Iyo Mucaaradka Ku Cadaadisey inay heshiis gaaraan

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles