Monday, December 8, 2025

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira ee dalka Masaarida ayaa sheegay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiisadda badda Cas iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

Waraysi qaatay in ka badan 20 daqiiqo ayaa madaxweynaha keliya ee ay Eriteriya weligeed yeelatay tan iyo markii ay xornimad aka qaadatay Itoobiya waxa lagu weyddiiyay arrimaha Badda Cas ee in muddo ah ay hadal-hayntoodu taagnayd.

Wareysigiisa ayaa Isaayaas wuxuu sheegay in colaadda ka taagan gobolka Geeska Afrika ay sababta ugu weyn ku leedahay faragelin uu sheegay in ay ka imanayso xoogag iyo dawlado kala duwan.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dalalkaas aanay ahayn kuwo gudaha ka socda oo keliya, balse ay yihiin kuwo goboleed iyo xitaa qaar caalami ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay xaaladda gobolka Geeska Afrika, si gaar ah, xaaladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.

“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 3,300 kiiloomitir, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya aanay ahayn mid gudaha ah oo keliya ka abuurantay, bal se ay tahay arrin goboleed iyo mid caalami ah.

“Kala duwanaanshaha qowmiyadeed ee aan aragnay 30-kii sano ee la soo dhaafay waa kala qaybsanaan iyo xasillooni darro qowmiyadeed. Suudaanta Koonfureed oo ka go’day Suudaan, waxay noqotay dal ay dagaallo sokeeye burburiyeen oo aan deggeneyn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isayaas waxa uu ka warramay in aanu gobolku u baahanayn quwado shisheeye oo faragelin ku sameeya gobolka, bal se ay muhiim tahay in cid kastaa ay awood u yeelato xilka ka saaran ilaalinta xeebaheeda.

“Dalalka gobolka ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada marin-biyoodkan caalamiga ah. Tani ma aha doorasho u furan dowladda ama wasaaradda difaaca — waa baahi taariikhi ah oo lama huraan ah.

WARARKII KALE

Macalin Mahdi oo Hanjabaad Culus u diray saraakiil iyo shacab ka cabanaya dhul boobka

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar...

Booliska Jigjiga qabtay nin ku eedeysan inuu gabdho Soomaaliyeed ka duubi jiray muuqaallo anshax-xumo ah

War ka soo baxay Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS)...

Waaxda dambi-baarista Kenya oo soo xiray dad ay ku jiraan Soomaali

Waaxda dambi-barista Kenya ayaa sheegay inay howlgal xirfadeysan ku...

Soomaaliland oo beenisay inay wadahadal u socdaan DFS

Dawladda Federaalka ee Soomaliya ayaa sheegtay in ay si...

Waa sidee saaka xaalada Boorama?

Waxaa maalmihii aan soo dhaafnay ay rabshado iyo shaqaqooyiin...

Madaxweynaha Benin oo sheegay in afgembigii ay ka hortageen ciidamo daacad ah

Madaxweynaha Benin, Patrice Talon, ayaa ka soo muuqday telefishinka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles