Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray Beledxaawo

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaa uuna ka yimid magaalada Nairobia ee dalka Kenya.

Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyay degmada Beledxaawo, waxaana ka mid ah Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Arimaha Gudaha iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baladxaawo, Taliyaha Ciidamada daraawiishta Jubaland ee Gobolka Gedo iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa magaalada Beledxaawo u tagay siddii uu kulamo siyaasadeed uu halkaasi ugu bilaabi lahaa, waxaa uuna kulamo uu la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan bulshada ku sugan Magaaladaasi.

Safarka uu Maxamuud Sayid Aadan ku tagay magaalada Beledxaawo ayaa imaanaya xili khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ay ka taagan tahay Magaaladaasi.

Khilaafka ayaa salka ku haya xili maamulka Jubbaland uu diidan yahay in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay tagaan magaaladaasi.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles