Monday, June 8, 2026

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray Beledxaawo

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaa uuna ka yimid magaalada Nairobia ee dalka Kenya.

Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyay degmada Beledxaawo, waxaana ka mid ah Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Arimaha Gudaha iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baladxaawo, Taliyaha Ciidamada daraawiishta Jubaland ee Gobolka Gedo iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa magaalada Beledxaawo u tagay siddii uu kulamo siyaasadeed uu halkaasi ugu bilaabi lahaa, waxaa uuna kulamo uu la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan bulshada ku sugan Magaaladaasi.

Safarka uu Maxamuud Sayid Aadan ku tagay magaalada Beledxaawo ayaa imaanaya xili khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ay ka taagan tahay Magaaladaasi.

Khilaafka ayaa salka ku haya xili maamulka Jubbaland uu diidan yahay in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay tagaan magaaladaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles