Wednesday, June 24, 2026

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka SSC-Khaatumo oo ka hadlay sababta uu maanta u baaqday Shirka

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa ka hadlay sababta uu u baaqday shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC Khaatuma, isagoona sheegay in arrimo farsamo uu maanta dib ugu dhacay shirka, waxaa uuna shaaca ka qaaday in Maalinta Berri uu si rasmi ah u furmi doono shirka.

Wasiirka ayaa yiri “Qabsoomidda shirka wadatashiga iyo dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu la macno yahay aynu jirno ama yeynaan jirin, waxaana Berri noo furmi doono shirka”.

Hadalkan ayaa muujinaya in shirkaasi u yahay mid go’aan ka ah jiritaanka iyo sharciyeynta maamulka SSC-Khaatumo, isagoo tilmaamay in fursaddan aan la lumin karin.

Dhanka kale, Wasiir Najiib ayaa si cad u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaridka ah ee kasoo horjeeda shirka, isagoo ku sifeeyay inay yihiin “huwan” eray muujinaya in aanay lahayn masuuliyad siyaasadeed oo rasmi ah, balse ay yihiin kuwo dano gaar ah ku fushanaya ka hortagga xasiloonida.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka SSC ay si weyn u taageersan yihiin hirgelinta maamulka, ayna ka daaleen dib-u-dhac iyo khilaafyo siyaasadeed oo curyaamiya rajada shacabka.

Waxaa socda diyaar-garow xooggan oo lagu xaqiijinayo in ergada kala duwan ee kasoo kala jeeda deegaannada SSC ay ka qeyb galaan shirka iyo kulamo lagu dhameynayo khilaafka ka taagan dhameystirka maamulka SSC Khaatuma.

Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa isku khilaafay shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Isimmada ayaa u kala jabay laba garab Qaar waxay taageersan yihiin hoggaanka maamulka SSC, halka kuwa kalena ay dhinac yihiin siyaasiyiinta iyo musharraxiinta mucaaradka ah.

Waxaa weli jira cabsi laga qabo in carqalado amni ay dib u dhigaan shirka berri, iyadoo musharraxiinta qaar ay si weyn uga soo horjeedaan qabsoomidda shirkan.

Ammaanka Magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona ciidamo badan la dhigay wadooyinka Magaalada, waxaana la mamnuucay in hub lagu dhex sito gudaha magaalada Laascaanood oo ay ku sugan yihiin wafuud ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo ergooyinka ka qeyb galaya shirka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles