Sunday, May 18, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta, intii lagu guda jiray xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, taas oo dib-u-dhis lagu sameyn doono, iyadoo dhismaha loo naqshadeeyay qaab casri ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha ku wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Dhismahan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta adeegyada ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kor u qaadista kaabeyaasha isboortiga, iyo xoojinta doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka.

WARARKII KALE

DF oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Xerada Damaanyo ee Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah...

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa in Taliyihii ciidamada...

Dhalinyaro saf ugu jiray in ay ku biiraan ciidamada DF oo lagu qarxiyay xerada Damaanyo ee Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka qof isku soo xiray waxyaabaha...

Dagaal maalintii labaad ka socda Gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka  oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ayaa...

QM oo ka digtay saameynta dhaqaale yari ee ku yeelan karto Gargaarka Soomaaliya iyo Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in sanadkan 2025 ay...

Xamaas oo sheegtay in wada-hadallada cusub ee Israa’iil ay billowdeen

Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajoodayaasheeda ay fureen wareeg...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles