Tuesday, February 17, 2026

Madaxweyne xasan sheikh oo kormeeray xarunta hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee socda. Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya”

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles