Thursday, October 30, 2025

Madaxweyne xasan sheikh oo kormeeray xarunta hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee socda. Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya”

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheikh oo lagu soo dhaweeyay dalka jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Pakistan oo ku hanjabtay inay burburin doonaan Daalibaanka

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa ku hanjabay inuu burburin doono...

Tirada dadka ku dhintay duqaymihii u dambeeyay ee Qaza oo kor u dhaafay 104

Dhimashada duqaymaha Israa’iil ayaa sii kordhaya iyada oo haatan...

Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta iyo xirirka warbaahinta oo xilka kala wareegay agaasimaha hore

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf...

Shirkii Carta oo la xusayo 25 sano kadib, balse Soomaaliya weli khilaaf ku jirta

Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku sii qul...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles