Wednesday, August 19, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo labo qof ku dilay Gaalkacyo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay ku dileen Saciid Gurre Cali Baar Xoosh iyo gabar la socotay oo lagu magacaabi jiray Canab Burhaan Maxamed Cali, kadib markii ay weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaadkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Beerta Bilan oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka hubegsan ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen labada qof ee la dilay

Goobta falku ka dhacay ayaa ah inta u dhaxeysa Beerta Bilan iyo Kaamka Tawakal ee duleedka magaalada Gaalkacyo qeybta uu ka taliyo maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee labadii ruux ee saarna gaariga ayaa halkaas ku nafwaayey.

Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarkan ay ku naf waayeen labada ruux, waxaase loo malaynayaa inuu salka ku hayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles