Maleeshiyaad hubeysan oo labo qof ku dilay Gaalkacyo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay ku dileen Saciid Gurre Cali Baar Xoosh iyo gabar la socotay oo lagu magacaabi jiray Canab Burhaan Maxamed Cali, kadib markii ay weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaadkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Beerta Bilan oo ku taalla dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka hubegsan ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen labada qof ee la dilay

Goobta falku ka dhacay ayaa ah inta u dhaxeysa Beerta Bilan iyo Kaamka Tawakal ee duleedka magaalada Gaalkacyo qeybta uu ka taliyo maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee labadii ruux ee saarna gaariga ayaa halkaas ku nafwaayey.

Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarkan ay ku naf waayeen labada ruux, waxaase loo malaynayaa inuu salka ku hayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles