Thursday, April 9, 2026

Maraykanka oo eryanaya markab shidaal oo u ku dhow Venezuela

Ciidamada Badda Marayknaka ayaa ku jira dabagalka markab kale oo ku sugan biyaha caalamiga ah ee u dhow Venezuela, iyada oo xiisadda gobolkaasi ka taagan ay sii kordhayso.

Maraykanka ayaa horay u qabsaday laba markab oo shidaal qaada, iyada oo mid ka mid ahna la qabtay Sabtidii.

Dabagalka Axaddii dhacay ayaa la xiriiray “markab ka tirsan maraakiibta qarsoon ee cunaqabateynta ay saaran tahay ee qaybta ka ah ka fogaanshaha sharci-darrada ah ee cunaqabateynta Venezuela,” sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. “Waxa uu sitaa calan been ah, waxaana u jaran amar maxkamadeed soo qabashadiisa.”

Washington ayaa ku eedeysay Venezuela inay lacagta ka hesho shidaalka u adeegsato maalgelinta dambiyada la xiriira daroogada, halka Venezuela ay ku tilmaantay qabashada maraakiibta shidaalka “xatooyo iyo afduub.”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkii hore amar ku bixiyay “xannibaad” lagu sameeyo maraakiibta shidaalka ee cunaqabateynta saaran ee galaya kana baxaya dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles