Monday, December 22, 2025

Maraykanka oo eryanaya markab shidaal oo u ku dhow Venezuela

Ciidamada Badda Marayknaka ayaa ku jira dabagalka markab kale oo ku sugan biyaha caalamiga ah ee u dhow Venezuela, iyada oo xiisadda gobolkaasi ka taagan ay sii kordhayso.

Maraykanka ayaa horay u qabsaday laba markab oo shidaal qaada, iyada oo mid ka mid ahna la qabtay Sabtidii.

Dabagalka Axaddii dhacay ayaa la xiriiray “markab ka tirsan maraakiibta qarsoon ee cunaqabateynta ay saaran tahay ee qaybta ka ah ka fogaanshaha sharci-darrada ah ee cunaqabateynta Venezuela,” sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. “Waxa uu sitaa calan been ah, waxaana u jaran amar maxkamadeed soo qabashadiisa.”

Washington ayaa ku eedeysay Venezuela inay lacagta ka hesho shidaalka u adeegsato maalgelinta dambiyada la xiriira daroogada, halka Venezuela ay ku tilmaantay qabashada maraakiibta shidaalka “xatooyo iyo afduub.”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkii hore amar ku bixiyay “xannibaad” lagu sameeyo maraakiibta shidaalka ee cunaqabateynta saaran ee galaya kana baxaya dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada labad Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyada DFS ee sanadka 2026

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025 fuliyay...

DFS oo ku dhawaaqday in khamiista la xirayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal rasmi...

Dagaal ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa ka socda Degmada Jalalaqsi, kaas oo...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya Cabdisalaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles