Thursday, May 28, 2026

Maraykanka oo hay’ado hor leh ku daray liiska ururuada cunaqabtaynta la saaray

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabatayn saartay Hay’adda Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris.

Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay ku sheegtay in samaynta hay’addan ay ahayd isku day ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iraan ku doonayeen inay “dakhliga uga helaan maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz,” waxayna hay’addan iyo “dhammaan kuwa la shaqeeya” ku dartay liiska cunaqabataynta.

Kadib xiritaanka Marinka Hormuz iyo go’doominta dekedaha Iraan ee uu sameeyay Mareykanku, Iraan waxay dhistay hay’addan si ay ula socoto una isku dubbariddo maraakiibta ka gudbaysa Marinka Hormuz.

Akoonka rasmiga ah ee ururkan ee Twitter-ka ayaa hore u daabacay khariidad muujinaysa “aagga kormeerka” ee Marinka Hormuz, isagoo sheegay in isu socodka maraakiibta ee aaggan “u baahan yahay isku dubbarid” lala sameeyo ururkan.

Sida lagu sheegay bostigaan, aaggan waxaa lagu qeexay “xariiqda isku xiraysa Buurta Mubarak ee Iraan iyo koonfurta Fujairah ee Imaaraadka Carabta dhanka bari ee marinka” ilaa “xariiqda isku xiraysa dhammaadka Jasiiradda Qeshm ee Iran iyo Umm Al Quwain ee Imaaraadka Carabta dhanka galbeed ee marinka.” Sida ay sheegtay hay’addani, dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee maraya Marinka Hormuz gudaha aaggan wuxuu u baahan yahay in xiriir ka haleyn kooxda qaaablisan “Maareynta Marin-biyoodka Gacanka Faaris” iyo in oggolaansho laga helo hay’addan.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa soo baxay warbixino sheegaya in Iraan ay galbinaysay ama joojinaysay maraakiibta maraya aaggan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo ku jira Imtixaankii ugu adkaa ee Galmudug iyo Mahad Salaad oo la saftay Qoor qoor

Khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka aloosan...

Iran oo cabsi qabta doorka sii kordhaya ee Somaliland iyo Maraykanka

Warbixin ay daabacday Fox News ayaa lagu seegay in...

Israa’iil oo amarro cusub oo digniino ah kusoo rogtay koonfurta Lubnaan

Milatariga Israel ayaa soo saaray amarro daadgureyn ah oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles