Tuesday, July 28, 2026

Israa’iil oo amarro cusub oo digniino ah kusoo rogtay koonfurta Lubnaan

Milatariga Israel ayaa soo saaray amarro daadgureyn ah oo ku saabsan qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta Lubnaan, iyaga oo ku dhawaaqay in goobahaasi yihiin “aagag dagaal” ka hor weerarro cusub oo ka dhan ah Xisbullaah.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku boorriyay dadka deegaanka inay u guuraan waqooyiga webiga Zahrani, oo qiyaastii 40km (25 mayl) u jira xadka. IDF ayaa sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto “hawl-gallo ballaaran oo dhan ah kooxda Xisbullaah.

Tani waa amarkii daadgureynta ee ugu weynaa tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay 17-kii Abriil, wuxuuna saameenayaa 14% dhulka Lubnaan.

Horaantii Arbacadii, Israea’iil waxay weerarro ka fulisay magaalada koonfureed ee Tyre, Xisbullaah oo Israa’iil ku eedeysay inay jebisay xabbad-joojinta, ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu ay isku dhaceen ciidamada Israel.

Weerarradii Arbacada ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay ballaarinta howlgalka dhulka kadib weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo ay Hezbollah ku qaaday ciidamada haysta qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan iyo sidoo kale shacabka ku nool waqooyiga Israa’iil

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles