Wednesday, April 8, 2026

Mareykanka iyo Iran oo ku heshiiyay 10 qodob oo Faa’ido u ah Tehran

Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin ku meel gaar ah oo socon doonta laba toddobaad, kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hoggaaminaysay Paakistaan.

Heshiiskan ayaa yimid xilli uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dib uga laabtay qorshe uu ku doonayay weerarro culus oo ka dhan ah Iran, wax ka yar laba saacadood ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee uu u qabtay Tehran. Trump ayaa sheegay inuu hakiyay duqeymo lagu beegsan lahaa kaabeyaasha muhiimka ah sida buundooyinka iyo xarumaha korontada.

Golaha Ammaanka Qaranka ee Iran ayaa xaqiijiyay inay aqbaleen xabbad-joojinta, iyadoo wada-hadallo rasmi ah lagu wado inay ka furmaan magaalada Islamabad maalinta Jimcaha, si xal waara looga gaaro colaadda.

Heshiiska waxaa sidoo kale qayb ka ah dib u furista marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, taas oo durba sababtay hoos u dhac ku yimid qiimaha shidaalka caalamka.

Shuruudaha Iiraan ee Trump uu aqbalay;

1. In la hubiyo in Iiraan mar kale aan la weerarin

2. In dagaalka si buuxda loo soo afjaro, oo aan kaliya xabbad-joojin lagu ekaan

3.In la joojiyo weerarrada Israa’iil ee ka socda Lubnaan

4.In la qaado dhammaan cunaqabateynta Mareykanka ee saaran Iiraan.

5. In la joojiyo dhammaan iska hor imaadyada ka dhanka ah xulafada Iiraan ee gobolka.

6.In dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

7.Inay Iiraan ka qaado maraakiibta ka gudbaya Hormuz lacag 2 milyan oo dollar markab kasta, Lacagtaasi waxaa Iiraan la wadaagi doonta Cumaan.

8. In la sameeyo sharciyo lagu xaqiijinayo ammaanka marin-biyoodka Hormuz.

9.In lacagta laga helo Hormuz loo adeegsado dib-u-dhiska Iiraan.

10.In Iran oo loo ogolaado inay sii wado Bacriminta Hubka Nukliyeerka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in maraakiibta ay si caadi ah u mari karaan marinka iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Iran, inkastoo aan weli si cad loo qeexin nidaamka amni ee halkaasi.

Dhinaca kale, Israel ayaa iyaduna oggolaatay heshiiska xabbad-joojinta, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in Israel iyo ururka Hezbollah ay joojiyaan dagaalka ka socda Lubnaan, sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo dhexdhexaadinayay wadahadallada.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Trump ayaa dhowr jeer dib u dhigay waqtiyada kama dambaysta ah ee uu dejiyay, xilli ay ku dhowdahay inay dhacaan, taasoo muujineysa isbeddel joogto ah oo ku yimaada istiraatiijiyaddiisa siyaasadeed.

Inkastoo heshiiskan uu muujinayo tallaabo hore loo qaaday oo lagu dejinayo colaadda, haddana weerarrada socda iyo kalsooni darrada u dhaxeysa dhinacyada ayaa weli caqabad ku ah in si buuxda loo gaaro nabad waarta.

WARARKII KALE

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

Soomaaliya oo La Wareegtay Kursiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay taariikhda si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles